Maxay ka wada Hadleen Musharax Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyihii hore baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ah Musharax u Taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta munaasabad soo dhaweeyn ah ugu sameeyay  hoygiisa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamd Sheekh  Cusmaan Jawaari

Labada Mas,uul ayaa yeeshay kulan saacado badan qaatay oo ay uga wada hadleen doorashooyinka, xaaladda kala guurka iyo Arimah Siyaasada Soomaaliya.

Ra,iisal Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa intii uu  socdsay uu la yeeshay Jawaare Waxaa uu ka hadlay muhiimadda  ay leedahay Dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal Siyaasadeed oo dalka ku yimaada.

Xasan Cali Kheyre ayaa  noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee xukuumad hoggaamiya buruburkii kadib ayaa intii uu ahaa Ra,iisal Wasaare uu ku guuleystay dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com