Madasha Xisbiyada Qaran oo Si Kulul Uga hadshay sababta Madaxweyne Farmaajo uu Soo Magacaabi waayay Ra,iisal Wasaare

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray war-murtiyeed ku aadan  xaaladda siyaasadeed ee Dalka , waxeyna si weyn dhaliil ugu  jeediyeen madaxweynaha Dawlada  federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Madasha Xisbiyada Qaran waxey madaxweyne Farmaajo ku eedeyeen ku tumasho Dastuur KMG ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya , cuuryaaminta shaqooyinka Baarlamaanka, sidoo kalana uu meesha ka saaray xukuumadii shaqeyneysay.

Qoraalka Madasha oo waxyaabo badan lagu soo hadal qaaday, waxaa sidoo kale ku jirtay in madaxweynaha lagu eedeeyay inuu sameeyay Jaha-wareer siyaasadeed iyo khilaafaad dabo dheeraaday.

Waxaa intaas sii dheer in kaligii talisnimo ay u arkaan inaan muddo 50 Maalmood ka badan la magacaabin ra’isul wasaare cusub, sidoo kalana aysan dastuurka meelna uga qorneyn magacaabista kusime ra’iisul wasaare.

Madasha ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamtay magacaabista sii hayaha ra’iisul wasaaraha iyo sharciyada ay ansixiso xukuumadda xil gaarsiinta.

    Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka Madasha Xisbiyada Qaran:

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com