Culumo u socotay Qur,aan Akhris oo miino ay kula qaraxday duleedka Gobolka Bakool

Inta la Ogyahay Lix qof oo shacab  ah ayaa ku dhintay labo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay miino kula kacday deegaanka Ideed Tuuri oo qiyaaskii 28 km waqooyi uga beegan magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xudur, sida ay xaqiijiyeen maamulka magaaladda  Xudur.

Dadka dhintay oo culimo ahaa lana socday mootada saddexda lugood leh ayaa ka yimid tuulada Banjinaay iyagoo ku sii jeeday miyiga tuulada Aboore oo ay Qur`aan akhris ugu socdeen, kahor inta aysan miinadu ku qarxin xalay fiidkii.

Maydadka lixda qof ayaa la aasay iyadoo dhaawaca labada qof la dhigay isbitaalka magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidanka amaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku baxay goobta qaraxu ka dhacay waxa ayna halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah.

Ma jirto cid sheegatay mas`uuliyadda qaraxa, waxaana jirta in Amniga waddooyinka gobolka  bokool maalmihii la soo dhaafay laga soo sheegayay miino la geeliyay kuwaas lala eeganayay ciidanka Amisom

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com