Hadal heynta Sheekh shariif iyo Fagaaraha Siyaasada Soomaaliya

Shariif sheikh Axmed oo  Gudoomiyaha Madasha Xisbiayada Qaran horena Madaxweyne Uga soo noqday Soomaaliya oo lagu yaqiinay in uu ka soo muuqdo Fagaaraha Siyaasada Soomaaliya ayaa mar qura laga waayay Fagaaraha Siyaasiyiinta

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Nin Sumcad Ku dhex leh Bulshada iyo Siyaasiyiinta ayaanan looga baran Siyaasad Dabacsaanleh oo oo Beer jileec ku dhisan

Hadaba Maxaa keenay in sheikh Shariif laga Waayo Fagaaraha Siyaasada Dalka gaar ahaan Kulamadii Ugu Dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee Xisbiayada Mucaarad ka ah ay la yeesheen Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Jublabland

Dad badan ayaa qaba in Shariif sheikh Axmed oo laga waayay Fagaaraha Siyaasadeed ee Dalka uu ka dagay ama ay la degtay Doonta Siyaasada balse Arinku sidaas ma aha.

Sheekh shariif sheikh Axmed o Mucaarad ku ah Dawlada Federaalka Soomaaliya Dhowr Jeerna Xukuumadda Nabad iyo Nolol ay ku dhigtay Dabin Siyasadeed balse ka dul booday ayaa la sheegayaa in uu damacsan yahay qorshe kale oo Siyasadeed oo uu doonayaao in uu ku wajaho Siyaasada Soomaaliya Taasi oo ka dambeysay ka dib markii Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Nin ged gediya Siyaasada  Soomaaliya kuna Soo biiray Xisbiyada Mucaaradka Taas oo Keeneysa in uu kala Fur Furo Xisbiyada Mucaaradka si uu u Helo Taareeda Xisbiyada iyo Maamul goboleedyada Dalka Islamarkaana doorashada soo socota uu ugu guuleysto

Guuxa iyo Dhaqdhaaqyada Siyaaseed ee ka Jira Muqdisho iyo shirka u socda madaxda Dawlad Federaalka iyo Dawlad goboleedyada ayaa hadana waxaa soo socda Guux kale oo Siyaasadeed oo ay wadaan Siyaasiyiinta Mucaraadka ah oo Mid kasta oo ku doonaayo in uu ku helo Taageero Siyaasadeed

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com