Madaxweyne Qoor Qoor oo Maanta khudbad ka Jeedin doona Golaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa la filaya in  uu Khudbad U  jeediyoXildhibaanada  Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu Khudbaddiisa Aqalka Sare kaga warbixin doonaa Xaaladda Galmudug, Marxaladda kala guurka ah ee Siyaasadda Soomaaliya iyo Arrimaha Doorashada soo socota.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa la filayaa in ay su’aalo ka weydiiyaan Arrimaha uu kaga hadli doono Khudbaddiisa.

Golaha Aqalka Sare waxaa horay Khudbado uga jeediyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo dhamaantood ka warbixiyay Arrimaha Labada Maamul iyo sidoo kale Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com