Darbigii Laga Dhisayay Xadka Mareykanka Iyo Mexico Oo Dumay

Mexico.Waxaa burburtay qeyb cusub oo ka mid ah darbiga uu madaxweyne Donald Trump amarka ku bixiyay in laga dhiso xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico, ka dib markii ay dabeylo xoog badan ku dhufteen, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Jiingadihii birta ahaa ee darbigaas looga sameeyay magaalada Calexico ee gobolka California ayaa gabi ahaanba burburay subaxnimadii Arbacada.

Shamiitadii lagu dhajiyay jiingadahaas adag, oo middiiba ay tahay 9 mitir, ayaan wali qallalin.

Dabeysha ku dhufatay aaggaas ayaa xawaaraheeda lagu qiyaasay 30 mph (48 kiiloo mitir saacaddiiba), sida ay sheegtay waaxda qaran ee saadaasha hawada Mareykanka.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com