HALKAAN KADAAWO : KULLAN LAGU TAAGEERAY SHIRWEYNIHII QOWMIYADDA MUDULOOD OO LAGU QABTAY MAGAALADA OSLO.

Kullan ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Qowmiyadda mudulood ee ku nool dalka Norway isla markaana lagu taageeray shirweynihii dhawaan ka dhacay Mowlaca Macalin Nuur Maxamed Siyaad ayaa maanta lagu qabtay magaalada Oslo ee wadanka Norway.

 

Kullankan oo ay kasoo qeyb galeen Aqoon-yahano, culumaa’udiin, dhalinyaro iyo haween ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudulood ee Norway Saciid Maxamed Sheekh, isagoo sheegay inay dhammaan taageersan yihiin qodobadii kasoo baxay shirkaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo horseedi doona horumar iyo midnimo ay wada gaaraan qowmiyadda mudulood.

 

Axmed Dheere oo ka mid ah odayaasha sida weyn looga qadariyo magaalada Oslo ayaa sheegay in wixii waxqabad ah dhinacooda ka gaysan doonaan, hase’yeeshee ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan geliyo go’aamadii kasoo baxay shirkaasi, halka uu talo ahaan u jeediyey in la hormariyo deegaanada beesha ay dagaan oo uu xusay in xiligan ay dayac xoogan ka jiraan.

 

Nabadoon Qataatoow ayaa dhankiisa sheegay inay ka qowmiyadda mudulood ahaan ay joogeen quus ka hor shir-weynihii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho kaasoo looga tashanayay aayahaha, midnimada iyo horumarinta deegaanada beesha.

 

Xafiiska Wararka Oslo.

Info@aragticusub.com

W/q : Wariye Salad Hussein Mohamed (Daacad)