Dhageyso:Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in la baarayo weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan weerarkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah kuwii Shalay falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar kuwaasi oo sida uu sheegay baaritaan lagu samayn doono

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada socda wixii ka soo baxa waxaana uu ciidanka kula dar daarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.