Dhageyso: Maamulka Degmada Leego oo sheegay in Gogol Nabadeed uu u Fidinaayo Beelaha Dega Degmadaasi

Gudoomiyaha Degmada Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose Abuukar Cabdulaahi Isaaq ayaa uga mahad celiyay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii in uu uu markale u magacaabay Gudoomiye in uu ka noqdo Degmada Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose,
Gudoomiyaha Degmada Leego Abuukar Cabdulaahi Isaaq ayaa sheegay in in waxyaabaha ugu horeeya ee diirada uu saari doono ay ka mid tahay dib u heshiisiinta Beelaha dega degmada Leego iyo sidii xal looga gaari lahaa colaada u dhexeysa beelaha dega Wanlaweyn iyo Leego ee gobolkaasi shabeelaha Hoose
Gudoomiye Abuukar Cabdulaahi Isaaq ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shaqeyn doono nabadeynt Dadka walaalaha ah ee dega degmada Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Degmada Leego ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa waxaa hadda maamula Alshabaab ka dib markii 2sano ka hor ay isag baxeen Ciidamada Amisom oo Halkasi ku sugnaa markii weeraro isdaba joog ah ay kal kulmeen Alshabaab