Gudoomiye Cumar Filish oo ku baaqay in la soo qabto kuwii ka dambeeyay weerar dhawaan ka dhacay degmada Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banadir Cumar Maxamuud Maxamed  Filish ayaa ka hadlay  dagaalkii dhowaan ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxana tacsiyadeeyay dadkii  ku dhintaydagaalkaasi.

Gudoomiye Cumar Filish hadl kan ka sheegay Kulan ka dhacay degmada Kaaraan ,waxaa uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada inay ka hortagaan dadka Colaada Hurniya , isla markaana meel uga soo wada jeestaan.

“Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda ayuu yiri” Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in dalkaan uu soo maraya burbur xoogan oo ku yimid, goobaha waxbarashada, Wadooyinka & caafimaadka loona baahan yahay in dib loo dhiso

Warkaan ka soo yeeray Gudoomiye Cumar Filish ayaa imaanaya ka dib markii dhawaan degmada kaaran weerar ay ku soo qaadeen Ciidamo military ah kuwaas oo tabaacsan sarkaal dawlada ay ku eedeysay in uu mucaaradka la shaqeeyo waxaana ciidamadasi ay dileen Afar askari oo ka Tirsan Ciidanka Booliska.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com