Dhageyso:Wasiir Fiqi oo u digay Dadka Taga Degaanada Alshabaab ay maamulaan kana hadlay Qaraxii Gaalkacyo

Wasiirka Amniga  maamulka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa soo bandhigay halka uu ka soo jeedo Ninkii fuliyey Qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inuu Ninka Weerarkaasi Fuliyey ahaa “Nin Reer Galmudug oo kasoo jeeday degmada Matabaan,  oo Gaalkacyo ku deganaa inuu ahaa Qof soo Barakacay”.

Waxaa Gacanta lagu dhigay  Dadkii kala shaqeeyay Arintaasi ,  Waxaa sidoo kale lasoo helay Gurigii uu deganaa Iyo dadkii ka kireeyay ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin  Fiqi wuxuu sidoo kale sheegay  inay Jiraan Baaritaan iyo xog intaas ka badan oo aan soo Bandhigi doono marka ay Munaasib Noqoto ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Sidoo kale Wasiir Fiqi waxa uu  Fariin Culus u diray dadka isugu Jira Ganacsatada iyo Waxgaradka ee Looga deegaanada ay Gacanta ku hayaan Alshabaab.

“Muddo Todobaad ah oo maanta Bilaabanaysa waa inay dadka ka tegay Gobolka Mudug ee Alshabaab u tagay, ee halkaa kula soo shiray  waa inay dhammaantood iska soo diiwaan geliyaan Hay’adda Nabad Sugida, Cidii aan u Hogaansamin,  Ciidamada Amnigu waxay Amar ku qabaan inay soo qabtaan, waana la Maxkamadayn doonaan”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi.