Muxuu dhibsaday oo uu ka naxay Sheekh Umal?

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada ugu waa wayn ee Soomaalida ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu meel fagaare ah ka yiri gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland ee Soomaaliya, Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare).

Gudoomiyaha oo 21-kii bishan Diseembar ka hadlayay xaflad lagu caleema saarayay Duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Dhuux, ayaa sheegay hadal ay dhibsadeen qaar ka mid culimada Soomaalida.

Hadalka gudoomiyaha ee la dhibsaday ayaa u dhignaa sidatan: “Ayaan dhaweyd, masaajidbaa nin lagu hordilay, wadaadkii Imaamka ahaa baa la xira, odayaashii oo dhan baa ii yimid, waa la ila soo hadlay wadaadka hala sii daayo, wadaadkii taliyihii qeybtaan wacay waxaan ku iri wadaadka soo daa, baaridna ha gelin.”

Waxa uu Sanyare intaas ku daray “Culimadii iyo odayaashii baan qado u sameeyay waxaan ku iri culimo-allaay soo masaajid ma ahan waxa aad ka hadlaysaan, aniga waxba iiguma fadhiyo addinkiisaa I dhiba, kumana tukado, ee ama aan misaajidka ku wada tukanno oo Shabaab dagaal diin been ah bay wadaanee taxriifka ka saxa ama masaajidda waa xirxiraynaa kuligeenna guryahaan ku tukanaynaa.”

Haddaba isagoo hadalkaas ka jawaabaya ayuu Sheekh Maxamed Cabdi Umal sheegay inuu ka naxay markii uu baraha bulshada ku arkay hadalka gudoomiyaha Mudug ee Puntland.

“Haddaba hadalka noocaas ah iyo dhiiranaanta noocaas iyo indha-adeega noocaasi ah oo ruux Muslim ah oo Alle iyo aakhiro rumeysan uu ku hadlayo oo haddana baraha bulshada la soo galiyay oo dadku wada dhageysanayaan waa arrin runtii naxdin leh” ayuu yiri Seekh Maxamed Cabdi Umal.

Gudoomiye Cabdiladhiif Muuse Sanyare oo u muuqanayay inuu culimada ku dhaliilayay sida ay uga gaabiyeen waxa uu ku tilmaamay bidhaaminta arriamaha diinta ayaa sheegay “Culimada waxaan u sheegayaa, masaajidda kaligiin ku tukan maysaan, annana bannaanka ka joogi mayno, ama waan xiraynaa ama Shabaab waa la wada diriraynaa,”

Sheekh Umal ayaa sheegay in gudoomiyuhu uu xaq u leeyahay in culimada uu u tilmaamo inay howshooda gutaan haddii uu u arkay inay ka gaabiyeen: “Waa sax in culimada lagu baraarujiyo waajibkooda iyaguna isbararujiyaan, ciddii kale ee dareemaysa inay culimada mas’uuliyaddoodii ka gaabiyeenna inay ku baraarujiso, arrin sax ah weeye,” ayuu yiri Sheekh Umal oo intaas ku daray “In masaajidda iyo khudbooyinka ka baxaya ay umadda mashaakisha haysata lagu daweeyo, qalooca diinta lagu sameeyay lagu saxo iyaduna waa arrin sax ah, laakiin waxaa qoonsi wayn leh, dalab iyo qalooc waynna uu ku jiraa hadallada uu ninkaas daba dhigay hadalkaas isaga ah,”

“Shabaab iyo inta la midka ah oo afkaarta khaldan xambaarsan in umadda looga digo afkaarta khaldan cid walba oo xambaarsanba waa mas’alo ka mid ah masaa’isha culimada iyo masaajidda iyo ducaaddu inay ka hadlaan oo cidkasta oo khaldanta inay ka hadlaan umaddana ku baraarujiyaan waa mas’alo masaa’isha muhimka ah ka mid ah,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Gudoomiye Sanyare ayaa dhankiisa sheegay in waxa ugu badan ee loogaga hadlay xafladdaas ay goob joogga ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, ay aheyd dhibaatada ugu wayn ee aadka loogaga eed sheegtaa ee amniga “Amnigu, Sheekhii halkan ka dhaqaaqay, Shabaab waxa ay dadka ku laayaan waa diin, magacoodana ma uusan soo qaadin, Shabaab waa daalimiin ma oran, Shabaab diin ma haystaan ma oran, magacooda ma soo qaadin, mana ahan kaligiisee waa culimada oo dhan.”

Gudoomiye Sanyare oo hore u soo noqday xildhibaan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkan loo magacaabay xilka uu hayo kaddib markii walaalkii oo xilkaas uu uga dambeeyay lagu dilay qarax khasaare badan gaystay oo ay Shabaanku sheegteen “Maalintii gudoomiyihii aniga iga horreeyay la qarxiyay oo dad badan oo ehelkayga ah iskumeel lagu laayay, Axad bay markaas aheydee Jimcadii ku xigtay waxaan dhagaystay masaajidkii igu xigay, masaajidku wadaadku wuxuu ka hadlayay [Tarbiyatul awlaad], khudbadanna waxaa loogu talagalay usbuucaas wixii soo dhaca in lagu sheego oo lagu saxo umadda.”

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com