Wafdi ay kala Hogaaminayaan Axmed Madoobe iyo Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray Magaalada Garoowe

Wafdi ay kala ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku xigeenkiisa iyo mas,uuliyiin kal..

Wafuuda kala duwan ee maanta gaaray Magaalada Garoowe ee caasimada  Puntland iyo kuwo maalmihii la soo dhaafay soo gaaray Magaaladaasi ayaa ka qeybgeli doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, gaar ahaa Garowe.

Madasha Heritage waxaa looga doodi doonaa xasilinta dalķa, dhameystirka dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida nidaam federaal oo shaqeynaya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com