Faah Faahino ka soo baxaya Dagaal Culus oo ka dhacay gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadeen  saldhig ay ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Daryanka xabadaha ay isu Adeegsanayaan labada dhinac ay isu adeegsanayueen ayaa si weyn looga maqlayey qeybo ka mid ah degaanada gobolka Gedo iyo tuulooyinka ku dhow, sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.

Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay Isku aruursanayay Degaano hoostaga Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay ku wada sugan yihiin Ciidanka Jubland iyo Kuwa Kenya oo qayb ka ah HawlgalkaCiidanka Midowga Afrika ee Amisom

Lama oga haddii uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo soo garay dhinacyada dagaalamay iyo Dadka Rayidka ah Alshabaab ayaa dhinacooda sheegay in Askar Kenyan ah ay ku dileen dagaalkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com