Dhageyso: Beesha Maxamuud Hiraab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Alshabaab

Saraakiil ‘ Xildhibaano & Siyaasiyiin  ka Tirsan Beesha Maxamuud Hiraab ee (Duduble) ayaa sheegay  in ay qayb ka yihiin Hawlgalada lagu Xoreeynaayo Degaanada  Alshabaab ay ku sugan yihiin Galmudug.

Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle Jacfaan  oom ka mid ah saraakiisha Hogaamineysa Hawlgalada ka socda degaanada Beesha Duduble ay degto ee Galmudug ayaa sheegay in ay isu soo Abaabuleen Beel ahaan oo ay ka qayb qaadanayaan Hawlgalada ka socda Degaanada Galmudug ee looga soo horjeedo Alshabaab oo muddo 15 sano ah ka talinayay degaanada ay doonayaan in ay ka saaraan .

Gaashaanle Sare Cumar Jacfaan ayaa  Tilmaamay in Bishaan November sanadkaan 2022 inta ka dhiman ay ku xoreeynayaan degaanada Beesha Duduble ay degto islamarkaana Alshabaab ay ka saraayaan Halkaasi.

Hadalka Gaashaanle sare Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa imaanaya Xilli Alshabaab laga saaray degaano badan oo ka Tirsan Gobolada dalka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Waraysi Gaashaanle sare Cumar Cabdulle Jacfaan: