Ra’iisul Wasaaraha lubnaan oo is casilay

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Xasan Diab ayaa is casilay ka dib qarixii dhimashada Badan sababay ee ka dhacay Magaalada Bayruut.

Lix Maalmood Kadib Qaraxii Salaasadii Bayruut ka dhacay, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa is casilay.

Ku dhawaaqista Diab ayaa timid ka dib markii afar Wasiir oo ugu muhiimsanaa ay iska casileen xukuumaddiisa.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in qiyaastii 300,000 oo qof qaraxaasi guryahoodii baabiiyey, isla markaana laga qabsi qabo in cunno iyo dawo yaraani soo fool leedahay.

Madaxa hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, Mego Terzian, ayaa sheegay in bakhaaradii dawooyinka iyo tallaaka ku jireen ee dekadda ku yaalay khasaare gaadhay. Sidoo kale waxa iyadna gabigeeduba duntay xarunta dalka ugu weyn ee lagu sifeeyo kelyaha oo ku taalay badhtama Bayruut.

Waxa uu khasaaraha qaraxaa ka dhashay kala mid dhigay burburkii dalka gaadhay intii u dhaxaysay 1975-90 ee dagaalka sokeeye socday.

“Dhibaatooyin ba’an oo sidan oo kale ah ayaa dalka soo maray intii uu socday dagaalkii Lubnaan” ayuu yidhi isaga oo u waramayey wakaaladda wararka ee AFP

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com