27.9 C
Mogadishu
Thursday, July 25, 2024
Home Wararka Afrika Xukun lagu riday agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo loo heysto Al-shabaabnimo

Xukun lagu riday agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo loo heysto Al-shabaabnimo

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday masuul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir kaas oo loo heystay Shabaabnimo.

Ku Simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) ayeey Maxkamadda Ciidanku ku xukuntay Xabsi Ciidan oo 3 Sanno ah, kadib markii lagu helay inuu horay uga mid ahaan jiray Alshabaab, Islamarkaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta Dadka ka haray Fikirka Alshabaab.

Sidoo kale Waxay Maxkamaddu sii daysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay Walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamisay Xarunta Gobalka Banaadir, iyadoona la amray in Hay’adaha Ammaanku ay isha ku hayaan Dhaqdhaaqa C/laahi.

Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay baaritaano ku wadeen masuulkaan waxaana la sheegay in uusan soo marin habka ka bixitaanka Alshabaab ee looga haro fikirkooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa  horay u sheegay in markii uu yimid xafiiska in hay’adaha amnigu ay xireen Agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com

 

.