Xildhibaan ka tirsan BFS oo ka hadlay raali galinta Madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho,Xildhibaan  Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah Golaha shacabka lagana soo doorto degaannada Somaliland ayaa sheegay in hadalkii Madaxweynaha ee raali gelinta Somaliland aysan waxba soo kordhineyn.

Xildhibaanka ayaa sheegay  tabashada Somaliland iyo hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay shirka Garsoorka dalka ee lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho aanay is laheyn

waxaana uu sheegay in Qadiyada Soomaaliland iyo dhibaatadii loo geystay ay tahay mid kaliya looga hadli karo munaasabado gaar ah oo loogu talagalay in shacabka soomaaliland looga baahan yahay in madaxda dawlada qabtaan

ugu dambeyntii waxa uu sheegay in soomaaliland iyo soomaaliya kaliya ay ku wada hadli karaan marka dawlada soomaaliya biseyl uu ka muuqdo islamarkaana u diyaar garowdo wada hadalkaas.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com