Jubbaland oo sheegtay in qaar katirsan Ciidamadi ay dowladda geeysay gobolka Gedo isku soo dhiibeen

Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in ay dhankooda u soo goosteen ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan la geeyay qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ciidan isugu jira Mileteri iyo booliska Haramcad  ay u soo goosteen dhankooda, waxa uuna ka dhawaajiyay in ciidankaasi ay iska diideen in colaad ay ka huriyaan gobalkaasi.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday tirada ciidanka dhankooda u soo goostay ee isugujiri melateri iyo boolisa .

Ma jirto wali waxa wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ay kaga hadlayaan ciidankan la sheegay in ay u goosteen maamulka Juubaland.

 

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com