Faah-faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Bay

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo deegaano ka tirsan Gobolka Baay ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo ku socdaalayey inta u dhaxeysa Deeynuunaay iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo in ka badan Saacad socdey,kaas oo khasaaro kala duwan uu kasoo gaarey labada dhinac ee dagaalamay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas uu dhinaca Maamulka Koonfur Galbeed kaga geeriyooday Hal Askari iyo dhaawaca tiro kale,waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ay sheegeen inay dagaalkii dhacay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaa.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com