Dhageyso: Gudoomiyaha Xisbiga SAMO oo dhaliilay Magaca Urur looga dhawaaqay M /Muiqdisho

Ugaas Aweys Sheekh Xuseen Huneero oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo U’ ololeynta ‘ ee loo Soo gaabiyo (SAMO) ayaa Wax laga Xumaado ku Tilmaamay  in Magaca Xisbiga (SAMO) Islamarkaana soo jiray Muddo 30 Sano ah ay sheegtaan Dad gaar ah oo xaflad inta ay ku qabsadeen Muqdisho ku dhawaaqay Ururka SAMO

Gudoomiye Huneero ayaa sheegay in Magaca Ururka SAMO uu soo maray Marxaladado kala duwan haatana uu yahay Xisbi islamarakaana ka diiwaan gashan Xafiiska Gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiisyada kale ee ay maamusho Dawlada Federaalka Soomaaliya .

Gudoomiyaha Xisbiga SAMO ayaa sheegay in Cid kasta  oo ku soo biirta ay soo dhaweey nayaan balse aysan Ogolaan doonin in Magaca SAMO la isticmaalo iyada oo aan Wax sharciyad ah loo heysan.

Halkaan  Hoose  ka dhageyso wqareaysiga Gudoomiyaha Xisbiga (SAMO ) Ugaas Aweys Xuseen Huneero.