Sheekh Aadan Sunne oo Alshabaab ku biiray

Sheekh Aadan ayaa xaqiijiyay in uu ku biiray Al-Shabaab, kadib markii uu ka baxsaday deegaanada Somaliland.

Waxa uu sheegay Sheekh Aadan in uu ku sugan yahay dhulka ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, uuna u kala gudbi doono dhamaan wilaat-yaadka ay gacanta ku hayaan, si uu uga qeyb-qaato arrimaha faafinta dacwada.

“Wadankii aan ku dashay ee aan ka ahaa Nin ku howlan dacwada Islaamka ayaa waxa ku timid carqalad xoogan oo kaga timid nidaamka ka jira goobtaas. Waxaa si cad loogu faafinaya (Somaliland) dhaqan badal iyo diimaha gaalada, oo hadda ka hadasho aad adiga u cadiban tahay oo cida wadana lagu ilaalinayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Garsoorka iyo dhamaan laamaha amniga ee Somaliland ay gacanta ugu jiraan madaxda sare, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland u dhiban yihiin.

Waxaa hadda ku suganahay qeybaha wilaat-yadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaa dhex mushaaxaya oo u kala gudbaya wilaa-yaadka 11-ka ah ee gacanta ku hayaan xarakatu Shabaab al-mujaahidiin ayuu yiri.”

Sheekh Aadan Sunne ayaa ku dooday in deegaanada Al-Shabaab ay ka jirto masuuliyad Diimeed oo xaq ah, islamarkaana uu kala qeyb qaadanayo waxkasta oo awoodiisa iyo aqoontiisa ah.