Gudiga doorashooyinka Puntland ee TPEC oo Ciidamo la wareegay

Taliyaha Ciidanka Booliiska Maamulka  Puntland S/Guuto Cabdiyare Xasan Xuseen ayaa maanta guddiga KMG doorashooyinka ee TPEC ku wareejiyay ciidamo looga tala-galay sugidda Amniga doorashooyinka saddexda degmo.

Ciidankan ayaa la sheegay carbiyay ilaalinta Anshaxa, habsami usocodka iyo amniga doorashada ayaa tagi doona degmada qardho 25-ka bishaan Actobar halkaas Doorashadu ka dhacayso.

3 degmo oo ka tirsan  Puntland ayaa dhawaan lagu qaban doonaa doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com