Wafdi uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Rooble oo maanta lagu wado in ay gaaraan Magaalada Garoowe

Wafdi uu Hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxemed Xuseen Rooble ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Socdaalka Ra’iisul wasaaraha waxaa lagu sheegay mid lagu doonayo in lagu xaliyo tabashooyinka ka jira arrimaha doorashooyinka, oo uu kala hadlayo Madaxda dowlad goboleedka Puntland oo ka mid ah Dawlad goboleedyada tabashada ka qaba arrimaha doorashooyinka uu kala Xaajoon doono sidii isku aragti looga noqon lahaa hanaanka ay wax u socdaan ee Arimaha doorashada .

Shalay waxaa magaalada Garowe gaaray wafdi hordhac u ah safarka ra’iisul wasaaraha waxaana hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com