Daahir Amiin Jeesow oo Weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaan Cabdirashiid Xidig

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo  ka mid ah Golaha shacabka Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa   Weerar Afka ah ku  Qaaday Xildhibaan C.rashiid Xidig,  Sidoo kalana wuxuu ka hadlay  Siyaasadda Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

 Axmed Madoobe inuu Afkiisa ku hadlay  C.rashiid Xidig la yaab leh, waana Dad isku beel ah, Balse Waxaan rabaa inaan sheego waxyaabaha uu soo qaatay oo la yaab leh, iyo Hadalka uu Aniga uu iigu gafay isagoo soo xiganaya hadalo Cadowgu ay Jarjareen”.

Xildhibaan Daahir Jeesow Wuxuu ka hadlay khilaafkii  horay uga dhexeeyay Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Xidig.

Waxaa is waydiin mudan Xidig iyo Axmed Madoobe maxay Horay isugu dilayeen,   Waxaan hayaa oo soo gudbin doonaa  Muuqaalo aan ka duubay Xidig oo doonayey inaan la dilo Axmed Madoobe, Hada Ogoow xidig  wuxuu walaalkii ku haystay waa SOOR, Balse anigu waxaan ku haystaa Qadiyad”.  Ayuu yiri.

Xildhibaan Jeesow wuxuu sidoo kale ku eedeeyay C.rashiid Xidig inuu yahay Basaas “Xidig waa Saddex Kaarle , shalay wuxuu u shaqaynayey     Itoobiya, maan ta Imaaraadka iyo Kenya,  Xaaladiisu aahaa  Fadlan ku shubo, waana Jaajuus ayuu yiri Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow”.   

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com