Soomaali oo laga helay COVID 19 oo lagu karantiilay Imaaraadka Carabta

Wasaaradda Caafimaadka iyo Badbaadinta Bulshadda ee dalka Imaaraadka Carabta waxay sheegtay inay 63 qof oo shisheeye ah laga helay Kiisaska cusub ee Caabuqaasi, kadib, markii la marsiiyey Baaritanadda lagu ogaanayo dadka uu haleelay COVID 19.

Wakaalladda Wararka dalkaasi ee WAM waxay baahisay in Muwaadin Somali ah uu  ka mid ahaa 63-qof oo Shisheeye ah oo laga helay Caabuqaasi.

Tirada Bukaanadda shisheeyaha ee uu haleelay COVID 19 iyo Dalalka ay u kala dhasheen ayaa kala ahaa:

Hal Muwaadin oo Somali ah, 30 u dhalatay Hindiya, 6 Pakistani, 4 u dhalatay Britain, 3 Masaari ah, 2 Afganistan, 2 u dhalatay Kuweyt, 2 u dhalatay dalka Nepal iyo 8 u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Liiska dadka shisheeyaha ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta ee laga helay COVID 19 waxaa ka mid ah 5 qof oo ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Algeria, Iran, Syria iyo Karaqistaan (Kyrgyzstan).

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Badbaadinta Bulshadda ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa lagu muujiyey inay dhamaan 63-ka Bukaanadda shisheeyaha ay xaalladooda deggan tahay, isla markaana ay helayaan dhamaan Daryeelka Cafimaadka ee lama huraanka u ah inay ka bogsadaan COVID 19

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com