Duqii  hore ee Muqdisho Taabit Abdi oo walaac ka muujijay natiijada imtixaanka  shalay ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

 

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Natiijadii imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka ee shalay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta  Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in Natiijada Imtixaanka  uu ku jiray humaag badan iyo waxyaabo is diidan, isla markaana waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in la turxaanbixiyo Natiijada lasoo saaray.

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan bulshada ugu soo bandhigto caddeymo iyo tafaasiil si dhab ah loogu kuur galay (empirical evidence) oo bulshadu lagu qancin karo.

Natiijadii imtixaanka ee shalay ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah waxaa ku jiray humaag badan iyo waxyaabo is diidan, waxaana walaaca iyo baahida loo qabo in arrintaas la turxaanbixiyo la qabnaa ardeyda, waalidiinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee sida togan uga hadlay arrinkan.

Anigoo dareensan culeyska shaqada ay Wasaaraddu heyso, haddana ma sahlana in si fudud oo aan daliil maangal ah la socon lagu tuuro mustaqbalka 8,550 arday, oo xilli adag wax ku soo bartay, xilli adagna sannadkan imtixaan u fariistay.

In guud ahaan 25% ardaydu ku guul dareystaan imtixaan qaran ma’ahan mid lagu macneyn karo daddaal-yari arday iyo tayo-darro dugsi, balse waxey burbur iyo guul darro ku tahay nidaamka waxbarasho ee dalka.

Dhanka kale, waa arrin ugub ah in 36% ay dhaceen ardeydii Gobalka Benaadir sannadkan u gashay imtixaanka, waxeyna u baahan tahay tafaasiil caqli gal ah sababta keentay hoos u dhaca sidaa u weyn sanad guddahii.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com