Madaxweyne Qoor Qoor oo ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Axmed kaariye Qoor Qoor  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Dalka Jabuuti ayaa maanta dib ugu laabtay Dhuusamareeb Caasimada Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Max’ed Nuur Gacal, xubno ka tirsan labadda gole ee Galmudug, Hawl-wadeenada Madaxtooyada Galmudug iyo Xubno kale.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa intii uu Jabuuti ku sugnaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dalkaJabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle, wasiiro ka tirsan dawladda Jabuuti iyo madaxda sare ee Dekadaha dalkaas, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo qodobo kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com