Mareykanka Oo Su’aal Ka Keenay Ciidamada Ruushka Ee Ku Sugan Kazakhstan

Xukuumadda Washington ayaa su’aal ka keentay go’aanka dalka Kazakhstan ee uu taageero militari uga codsaday Ruushka sababo la xiirira dibadbaxyada rabshadaha wata ee dalkaasi ka socda.

Ruushka ayaa sheegay in si ku meel gaar ah uu u joogo Kazakhstan. Shiinaha ayaa sidoo kale taageero u muujiyay tallaabooyinka lagu soo celinayo xasiloonida Kazakhstan, oo uu ku maal gashaday mashaariic waaweyn.

Ciidamadii ugu horreeyay oo gaaraya 2,500 isla markaana uu Ruushku hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan Kazakhstan. Saraakiisha ku sugan Moscow ayaa sheegay in ciidamada isbahaysiga ah ee ka socda shan dal ka tirsnaan jiray Midowga Soofiyeetka iyo Ruushka ay si kumeel gaar ah u joogaan dalkaas.

Madaxweyne Kassym-Jomart Tokayev ayaa codsaday in ciidamo loo soo diro kaddib markii dibadbaxayaal ay galeen xafiiska duqa magaalada ugu weyn Kazakhstan ee Almaty.

Balse mar uu la hadlayay weriyeyaasha, ayaa Antony Blinken, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, wuxuu ka digay in hal cashar oo dhowaan la bartay ay tahay in haddii mar Ruushku uu gurigaaga yimaado ay adag tahay in laga soo saaro.

Wuxuu sheegay in xukuumadda Kazakhystan iyo ciidamadeeda ay awood u leeyihiin inay la tacaalaan dibadbaxayaasha. Dhanka kale, ciidamada Kazakhstan ayaa haatan gacan bir ah ku qabtay magaalada.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com