Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa markale waxaa uu uga digay Ciidamada xoogga dalka inay ku milmaam Siyaasadda.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu kuyiri” iyadoo la dhowrayo Shuruucda Dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qaran ayna ka fogaadaan iney ku milmaan siyaasadda, ama loo adeegsado siyaasadda.

Ugu dambeyn Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ciddii ku cadaato inay ku milantay Siyaasadda laga qaadi doono talaabo waafaqsan shuruucda dalka.

Qoraalkaan kasoo baxay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli weli uu jiro ohilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com