Faah Faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay guri uu degan yahay Wasiir ka Tirsan Maamulka Jubland

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in xalay qarax ka dhacay guri uu magaalada ka deggan yahay wasiir ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland.
Qaraxa ayaa ka dhacay guriga wasiirka degaanka iyo dalxiiska Jubaland oo lagu magacaabo Caydiid Saleebaan Xaashi waxaana ka dhasha khasaare nafeed sida laga soo xigtay Booliiska Jubaland.

Qaraxa waxa ku dhintay saddex askari oo ka tirsan ilaalada wasiir degaanka iyo dalxiiska Jubaladn Caydiid Saleebaan Xaashi inkastoo aan faahfaahin laga bixin waxa sababay qaraxaas.

Wasiir Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa isagu ka badbaaday qaraxa mana jirto cid kale oo wax khasaare ah ka soo gaaray marka laga reebo saddexda askari ee dhintay.

Al-shabaab ayaa dhinaca kale sheegtay qaraxa waxaana haatan socda baaritaan la xiriira dhacdadan sida ay sheegeen Booliiska.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com