Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraada Badda Eng. Maxamuud Xaaji Saalax iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas, Cabdirisaaq Jaamac Taraag.

Shaqo joojinta ayaa timid, kadib markii la xallin waayay, khilaaf xooggan oo mudoooyinkii u dambeeyay ka dhex taagnaa Wasiirka iyo Agaasimaha guud, kaas oo ku saleysan arrimaha maaamulka wasaraadda, islamarkaana gaaray in gacan ka hadal dhexmaro labada mas’uul.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland ayaa shalay kulan dhex-dhexaadin ah la yeeshay labadaas mas’uul, si uu khilaafkooda loo xalliyo, balse kuma uusan guulaysan dadaalkiisa, taas oo keentay in uu shaqa joojin ku sameeyo wasiirka iyo Agaasimaha.baaritaan la xiriira dhacdadan sida ay sheegeen Booliiska.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com