Odayaal Eedeeyn u Jeediyay Maamulka Koofurgalbeed

Odayaal iyo waxgarad kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay Dhismaha Golaha degaanka degmada Baraawe ee gobolka shabeelaha Hoose.

Odyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda koofur galbeed gaar’ahaan beesha Garre ayaa sheegay in Dhismaha Golaha Degaanka degmada barraawe iyaga aanan laga siin xubnihii ku matalilahaa beeshooda iyaga oo oo ku Eedeeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen  iyo wasiirka Arimaha Gudaha Koofur galbeed in  ay ka dambeeyaan in beesha Garre aan waxba laga siin dhismaha Golaha degaan  ee degmadaasi.

Ugu dambeeyntii odayaasha  iyo waxgaradka beeshaas ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan maxamed Laftagareen in uu saxo  qaladaadka ka jira dhismaha Golaha degaanka degmada baraawe ee gobolka shabeelaha Hoose.

Xafiiska wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com