Ciidamada Nisa ee Jubland oo Hawlgalo ka sameeyay magaalada Kismaayo

Saraakiisha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in Xaafadaha magaalada Kismaayo ku qabateen  xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Jubland  ayaaintaa ku daray   in ay hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ay ka wadaan  xaafadaha kala duwan ee Kismaayo islamarkaana gacanta ku soo dhigeen  xubno ka tirsan Shabaab.

“Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada ayada oo qeybo kalena lagu daba jiro” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda.

Saraakiisha Nabad-sugidda Jubaland ayaa sidoo kale sheegay  in ay si dhammaystiran uga warbixin doonaan  Hawlgalkaas markii uu soo dhammaado.

Xafiiska wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com