Ergaygii Mareykanka ee Dalka Afghanistan oo xilka ka degay

Ergaygii  Mareykanka ee Dalka Afghanistan ayaa xilkiisa iska casilay wax ka yar laba bilood kadib markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen dalkaasi.

Zalmay Khalilzad ayaa hoggaaminayay wada hadalladii Mareykanka ee Taliban, laakiin wada -hadallo diblomaasiyadeed oo socday muddo bilooyin ah ayaa ku guul -darreystay in laga hortago in kooxda xagjirka ah ay awoodda qabsato.

Kooxda Talibanka ayaa xukunka la wareegtay bishii August kadib markii ay qabsadeen caasimadda Kabul.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ku xigeenka Mr Khalilzad, Thomas West, uu xilka la wareegi doono.

“Waxaan u mahadcelinayaa tobannaankii sano ee uu u adeegayey dadka Mareykanka,” ayuu Mr Blinken ku yiri bayaan uu ku shaaciyay iscasilaadda Mr Khalilzad Isniintii.

Warqad uu Mr Blinken u diray, Mr Khalilzad wuxuu qiray in “hanaanka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Afgaanistaan iyo Taalibaan uusan u socon sidii la filayay”.

“Sababaha arrintan aad ayay u cakiran yihiin waxaana idinla wadaagayaa fekerkeyga ku aaddan maalmaha iyo toddobaadyada soo socda,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inuu is casilayo xilli Mareykanku uu galay “weji cusub oo siyaasadda Afghanistan ah”

Wuxuu intaas raaciyay inuu ka “murgayo” dadka Afghanistan.

Mr Khalilzad, oo 70 jir ah, wuxuu ku dhashay Afgaanistaan, wuxuuna ku koray Kabul. Waa rug -caddaa diblomaasi Mareykan ah, isagoo xilal hore ka soo qabtay dowladihi Madaxweynayaashii hore ee Donald Trump, Barack Obama iyo George W Bush.

Wuxuu hormuud ka ahaa wadahadaladii Taliban oo horseeday in la saxiixo waxa loogu yeero Heshiiska Dooxa bishii Feberaayo ee sanadkii hore, kaas oo u horseeday Mareykanka inuu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan.