Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka FS oo ku geriyooday Muqdisho.

Muqdisho, Allaha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Muqdisho kadib markii kilya xanuun iyo Cudurka macaanka la ildarnaa sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa.

Gudoonka sare ee Baarlamaanka iyo xildhibaano ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya).

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka mid ahaa gudiga maaliyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com