Suuqa Islii Oo maanta gabi ahaan xiran(Daawo Sawiro)

Nairobi, Suuqa Ganacsiga Soomaalida Islii ee Nairobi ayaa maanta gabi ahaan la xiray kadib amar dowlada ka soo baxay.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkayaa gudaha Xaafada islii oo ay Soomaalida ku badan tahay.

Wararka ayaa tilmaamaya in dowlada wado qorshe suuqa loogu buuginayo daawooyin si looga hortago Xanuunka Coronovirus.

Suuqa ayaa ah mid aad u camiran isla markaana sababi kara in si fudud cudurkaan ku qaadaan boqolaal qof.

Dadka Soomaalida ee ku ganacsada Suuqa ayaa qaarkood la arkayay iyaga oo ka dhaga adeegaya amarka dowlada.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirada:-

Xafiiska Wararka,Nairobi.

Info@aragticusub.com