Maamulka Degmada Kaaraan Oo Ka Hadlay Khasaaraha Qaraxii Lala Eegay Taliye Caraale

Guddoomiyaha Maamulka Kaaraan ee Gobolka Banaadir Abshir Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay qarax barqadii Maanta gudaha degmadaas lagula Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaas Gaashaanle Salaad Caraale oo saarnaa gaari Boolis ah.

Guddoomiye Abshir Kaaraan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in qaraxa lala eegtay Taliye Salaad Caraale uu ahaa miino nooca dhulka la geliyay, isla markaana gaariga Taliyaha iyo Ciidankii la socday uu ku qabsaday Waaxda Jamhuuriyo meel ku dhow Masjidka Turkiga.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha degmada Kaaraan in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray Askarta ilaalada u aheyd Taliyaha Saldhiga degmadiisa iyo dad shacab ah oo waxyeelada kasoo gaartay qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho.

Guddoomniye Abshir Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay in afar Askari uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa iyo qof shacab ah, uuna qaraxaas ka badbaaday Taliye Caraale oo uu Caafimaad qabo, waxaana uu sheegay in Askarta iyo qofka lagu dabiibayo Isbitaalo.

Isaga oo sii hadlaayay hadlaayay Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayuu sheegay in laamaha amniga Booliska degmadiisa ay wadaan baaritaano ku aadan dadkii dhigay qaraxaas oo burbur gaarsiiyey gaariga Booliska ee lala beegsaday.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com