Gudoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay safiirka Norway ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda  Norway ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Safiirka safaaradda Norwey ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen Arrimaha doorashooyinka la filayo in ay dalka Soomaaliya ka dhacaan 2021-da iyo u diyaar garowgooda doorashooyinkaas

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa safiirka Norwey ee Soomaaliya uga warbixiyay halka ay marayaan u Diyaar garowga doorashooyinka Wadanka ka dhici doona.

Safiirka ayaa dhankeeda Baarlamaanka Somaaliya uga mahad celiyay dadaaladooda la xiriira diyaarinta shuruucda doorashooyinka Dalka muhiimka u ah.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com