Dhageyso : Ra’iasla Wasaare kheyre oo daahfuray munaasabada 60 guurada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo daah furay munaasabadaha weyneynta xuska 60 Sano guurada xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Beerta Qarannimada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’isal Wasaare  Kheyre ayaa caddeeyay in Qof kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo inuu ka dhabeeyo himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyay xornimada dalka oo doonayay in dalka Soomaaliya uu kamid noqdo dalalka ugu horreeyay dunida.

Munaasabadda oo ay kasoo qayb galeen wasiirro xildhibaann, guddoomiyaha gobalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale ka sheegay in Soomaaliya ay soo ceshan karto sharaftii ay dunida ku laheyd hadii dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan.

Raisal Wasaare  Xasan Cali Khayre ayaa Jannaayo 04,2020 Magacaabay  Guddiga qaban-qaabada xuska Maalmaha xorriyadda Dalka oo shaqadoodu tahay inay isku-dubaridaan munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1da July ee Sanadkaan 2020.

Xuska ayaa Sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah sanad guurada 60-aad iyo sanad guurada 20-aad ee dib-u-aasaaska Dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.