Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo Qarax miino ka bad baaday.

Muqdisho, Wararka goordhaw soo baxay ayaa sheegaya in Gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka qarax lala eegtay.

Qaraxaan oo ka dhacay Xaafada Taleex ee degmada Hodon ayaa aad looga maqlay inta badan Muqdisho.

ilaa hada lama oga in gaariga uu saarnaa xildhibaanka aan wali si rasmi ah magaciisa u helin.

Dad goob joog ah ayaa xaqiijiyay in ay arkeen dhaawaca darawalki gaariga waday iyo bur bur xoogan oo soo gaaray gaariga.

Sidoo kale dad shacab ah oo meesha marayay marki qaraxu dhacayay ayaa ku dhaawacmay.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa daqiiqada kadib goobta soo gaaray kuwaasi oo sameeyay baaritaano aan la ogeyn natiijada ka soo baxday.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com