Dhageyso: Bankkiga Aduunka oo Soomaaliya ugu deeqay 45 milyan oo doolar ah

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Bangiga Adduunku uu Soomaaliya ugu deeqay 45-Malyan oo dollar.

  Isaga oo ka hadlayay arrintaas ayuu tilmaamay in bangiga dhexe ee Soomaaliya lagu soo shubay lacagtaas islamarkaana loo adeegsan doono arrimaha bulshada iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shaaciya in Soomaaliya ay dadaal badan ay ku bixisay cafinta deymaha lagu leeyahay taas oo qeyb ka ahayd caqabadaha ku taagan waddanka