26.5 C
Mogadishu
Saturday, July 27, 2024
Home Wararka Afrika Midowga Afrika oo War kasoo saaray xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

Midowga Afrika oo War kasoo saaray xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

Midowga Afrika ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee xiligan u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya , waxaana labada dal midbo midka kale eedeymo culus isku soo marsiiyeen dhinaca Warbaahinta.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Musa Faki ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna labada dal ugu baaqay in xiisada dejiyaan.

Musa Faki ayaa ka codsaday madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya in xaalada xakameeyaan wadahadalna ku dhameeyaan waxii khilaaf ah oo jira  , waxa uuna cadeeyay Midowga Afrika in gacan ka geesan doono sidii xal loo gaari lahaa.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in midowga Afrika in uu ka shaqeenayo in labada dal ay yeeshaan wadahadal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo deris wanaagga, iyada oo la waafajinayo astaamaha iyo mabaadi’da Midowga Afrika.

Xiisadan ayaana ka dhalatay fara galin Kenya ka wado dhinaca xadka Soomaaliya iyaga oo taagerayo Ciidanka Jubaland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com