Maraykanka oo ka digay muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dawlada Federaalka

Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee muqdisho  ayaa lagu sheegay inay daneynayaan natiijada ka soo baxda shirka Dhuusamareeb 3, dwladda federaalka, dowlad goboleedyada, baarlamaanka iyo daneeyaasha kalena looga baahan yahay isu tanaasul dhab ah oo furo u noqda is afgarad laga gaaro nooca doorasho.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in doorashadu xiligeeda ku dhacdo, wuxuuna Mareykanku ka digay muddo kordhin.

Iyadoo ballantii shirka Dhuusamareeb 3 ay ka harsan tahay hal maalin oo kaliya, ayaa waxaa dib u dhacay.

Shirka Dhuusamareeb 3 , ayaa ku soo beegmaya  ka dib markii xilka laga qaaday Ra’iisal Wasaare Kheyre oo qeyb ka ahaa Dhuusamareeb 2, welina aan la magacaabin Ra’iisul Wasaare cusub.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com