Hay’adaha Amniga Dalka iyo wafdi ka socda Golaha Amniga Midowga Afrika oo shir ku yeelanaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalintii labaad shir ku yeelanaya Madax ka socota Golaha Nabadda Midowga Afrika oo ku sugan Magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka noqonaya wasiiro ka Tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga,iyo wafdiga ka socda golaha Amniga iyo nabadgalyada Midowga afrika.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Sooomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa shirka warbixin ka siiyay dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen  Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhankiisa Madaxda Golaha Nabadda Midowga Afrika la wadaagay horumarka laga gaaray arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka dalka iyo waxa ay hiigsanayaan.

Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in la soo geba gabeeyo shirka u dhaxeeyo Madaxda Golaha Nabadda Midowga Afrika & Hay’adaha Amniga ee Dawlada Federaalka Soomaaliya .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com