Dib u dhac ku yimid shirkii Golaha wadatashiga Qaranka

Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid shirkii la filayay in Magaalada muqdisho uu uga Furmo DFS dawlad goboleedyada iyo gobolka banaadir ‘

Shirka ayaa ahaa mid la doonayay in looga arinsado doorashooyinka ka bilowday degaanada dawlad goboleedyada.

Ra’iisal wasaare maxamed Xuseen Rooble ayaa 15-kii Bishaan ayaa Shir ay Khadka Internetka ee (Zoomka) kula yeeshay Madaxda Dawlad goboleedyada iyo gobolka banaadir laguna iclaamiyay qabsoomida shirka maanta baaqday.

Shirka maanta magaalada muqdisho uga furmi lahaa golaha wadatashiga qaranaka islamarkaan dib u dhaca uu ku yimid ayaa ku soo aadaya xilli Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya maxamed Xusen Rooble uu booqo ku joogo dalka Masar hlkaas oo kulamo kula qaatay ma’uuliyiinta dawlada Masar iyo diblumasiyiinta safaarada Soomaliya ee dalkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com