Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo warqadaha Aqoonsiga laga gudoomay

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee  Xukuumadda Soomaaliya  Balaal Maxamed Cusmaan, ayaa  warqadaha Aqoonsiga kaga guddoomay SafiirkaCusub  Sweden u qaabilsan soomaliya Federaalka Soomaaliya Per Lindgärde

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Sweden , isagoo u rajeeyay inuu ku miro dhiliyo howsha loo soo xilsaarray si uu hore ugu dhaqaajiyo xiriirka labo geesoodka ee labada dal si ay u yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh.

Danjiraha Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu Sweden ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka guud ee labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com