Laba walaalo ah oo ka mid noqday Baarlamaanka Norway.

Oslo:-Waxaa soo baxaya taariikh cusub oo laga dhigay Baarlamaanka cusub ee dalka Norway.

Markii ugu horeysay mudo ku dhaw boqol sano waxaa baarlamaanka ka mid noqday laba wiil oo isla dhalatay.

Labadan wiil oo lagu kala magacaabo Nils Kristen (32) iyo Per Martin (36), iyagoo ka kala tirsan laba xisbi ee AP iyo SP.

Afarta sano ee soo socota ayay labadan wiil xiiso gaar ah u yeelan doontaa maadaama baarlamaanka ku kala matalaan laba xisbi oo ah kuwa hada hogaaminaya Xukuumada cusub.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com