Kulan sanadeedki Jaliyada Mohamud Hiraab -Duduble ee dalka Norwey oo loga hadlay qodobo muhiim ah + SAWIRRO

Oslo :Kulankaani oo ay iskugu yimaadeen Jaaliyadda Mohamuud Hiraab ee Fadhigeedu yahay Magaaladda Oslo ee dalka Noway ayaa u jeedkiisu ahaa taageero loo muujinayay ganacsadaha caanka ah Sheekh Ahmed Nuur Cali Jimcaale oo dhawaan laga qaaday xayiraadi mudadda 20-ka sano ka badan saarneed shirkada Al-Barakaat iyo soo dhaweeyn loo sameeyay Suldaanka Beesha Dudub Osman oo ay walaalaha yihiin beesha Duduble oo dhawaan soogaaray magaaladda Oslo.

Munaasabadan waxaa kasoo qeyb galay waxgarad isugu jray siyaasiyiin, aqoonyahano culumaa’udiin, dhalinyaro iyo haween, waxayna tilmaameen in ay aad ugu farxeen xayiraadii laga qaaday shirkaddii Al-Barakaad grup taasoo guddoomiye u yahay ganacsade Ahmed Nuur Cali Jimcaale.

Ugu horyen waxaa kulanka kahadlay Ugaas Siciid Cawaale oo ah qaban qaabiyaha kulanka Isagoo u mahadceliyay dhamaan cid walba oo gacan kageysatay qabsoomida kulankanka.

Dadkii kahadlay kulanka ayaa intooda badan u mahad-celiyay gudigii soo agaasimay kulanka waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay arkaan Ugaaska beesha duduble Osman.

Intaa kadib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay Suldaanka guud ee Beesha Maxamuud Hiraab Suldaan Ahmed Qawi, waxa uuna ugu horeyn u mahad-celiyay cid walbo oo gacan ka geysatay in xayiraada laga qaado shirkada Barakaad.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay suldaanka guud ee Beesha Duduble Osman Suldaan Ahmed Cilmi Kabaal mahadcalin kadib waxuu ka sheekeeyay Taarikhda 2-bada beel ee walaalaha Dudub Osman iyo duduble.

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com