Trine Skei Grande oo iska casishay Hogaanka Xisbiga Venstre iyo Xilki Wasiirnimo.

Oslo,Trine Skei Grande Ayaa goordhaw la shaaciyay in ay iska casishay hogaaminta Xisbiga Venstre iyo xilkii Wasiirnimo.

Warbaahinta oo xiriir la sameeyay Trine ayay u xaqiijisay in xilka Hogaanka Xisbiga iska casishay.

Sidoo kale waxaa ay warbaahinta u xaqiijisay in ay iska xasili doonto xilka Wasiirnimo ee Xukuumada Erna Solberg.

Lama oga sababaha dhab ahaan arintaan keenay balse mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray eedeyn qaar ka mid ah hogaanka xisbiga u jeedinayeen Trine Skei Grande.

Eedaha ayaa salka ku hayay taageerada sii yaraanaya ee xisbiga iyo qaabka hogaamineed ee Trine.

https://www.nrk.no/norge/skei-grande-trekkjer-seg-1.14939057

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com